Weeraradii ay qaadeen kooxda Xamaas Sabtidii ayaa
muujinayay kacdoonkii ugu weynaa ee labadan dhinac dhex mara muddo tobanaan
sano ah. Israa'iil ayaa qaadday duqeymo cirka ah oo ay kaga aargoosanayso Xamaas,
waxaana dagaalku ka socdaa gudaha dhulka Israa'iil.
Waxyabihii ugu dambeeyay:
·Israa’iil ayaa sheegtay in 600 oo qof
laga dilay tan iyo markii Xamaas ay weerarrada kasoo bilaabeen Qaza. Waxa
ay sheegtay in 100 qof la qafaashay in ka badan 2,000 oo kalena la dhaawacay
·Ilaa 370 Falastiiniyiin ah ayaa lagu
dilay duqaymaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Waxay sheegtay in 2,200 oo qof ay ku dhaawacmeen
·Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa saaka sheegay
in ay soo bandhigi doonaan tirada askarta Israel iyo dadka rayidka ah ee ay
qabteen
·Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka
Antony Blinken ayaa sheegay inay jiraan warar sheegaya in muwaadiniin
Maraykan ah la dilay. Wadamo kale, oo ay ku jiraan Faransiiska, Ukraine iyo
Thailand, ayaa sidoo kale soo sheegay dhimasho
·Laba muwaadin oo British ah ayaa lagu
la'yahay Israa'iil - Jake Marlowe oo London ku dhashay iyo sawir
qaade Dan Darlington. Nathanel Young, oo 20 jir ah, una dhashay Britain, kana
mid ahaa ciidamada Israel ayaa la dilay
·Ilaalada booliska ee Londan ayaa sare loo qaday ka dib markii ay soo baxeen
muuqaalo muujinaya wax u muuqda dad u dabaaldegaya weerarka